Maamulka Degmada Maxaas Oo Baaq u Diray Beello Isku Haya Deegaanno Ku Dhow Degmadaasi

Maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay beello walaalo ah oo ka soo kala jeeda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud inay nabadda qaataan, kuwaasi oo xurguf u dhaxeysa kasoo cusboonaatay deegaanno hoos taga degmadaasi.

Maxamed Cabdi Cawaale, guddoomiyaha degmadaasi ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ay dib usoo noqoto xiisaddan oo horey loo dhammeeyay.

Wuxuu sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin  inay dhammeeyaan wax walba oo Labadan beel kala tabayaan beddelkii ay dagaallami lahaayeen.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dil aanu faa’ido lahayn, isla markaana muhiimaddu ay tahay wada noolaanshiyo iyo derisnimo.

“Waxaan rabaa inaan baaq u diro umadda Soomaaliyeed gaar ahaan umadda shaqaaqadu ay ka dhex taagan tahay degmada Maxaas iyo meesha la yiraahdo Guriceel, waxaan rabaa inaan ugu baaqo inay ilaaliyaan walaalnimada, nabadda iyo sidoo kale wada noolaanshiyaha, dagaal ma wanaagsana…ka maamul ahaan diyaar baan  u nahay inaan nabadda kala dhexdhigno beelahan” ayuu yiri guddomiyaha Maxaas.

Dhanka kale, waxgaradka degmada Maxaas ayaa ku baaqay in miiska wadahadalka lagu dhammeeyo waxa ay kala tabanayaan beelahan walaalaha ah.

Sanadkii tagay ee 2017, waxaa la xalliyey dagaal dhexmaray beelahan, balse lama oga waxa hadda dib usoo celiyey xiisaddan.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

  1. Daniel Van Buyten has called time on his football career after being released by Bayern Munich at the end of last season – he made five appearances for Manchester City in 2004, Former Manchester City and Bayern Munich star Daniel Van Buyten retires from football

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW