U bood dhigaalka

Maamulka Galgaduud Oo Baaq u Diray Beello Ku Dagaallamay Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Galgaduud ayaa ugu baaqay beello dhowaan ku dagaallamay deegaanka Labi Caanood iney si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka.

Guddoomiyaha gobolkaasi Maxamed Cali Cilmi oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dagaal aanu lahayn faa’ido in uu dilo mooyee dad bulshada wax u tari lahaa.

Waxa uu guddoomiyaha sheegay in waxgaradka Labada dhinac laga doonayo iney xalliyaan dagaalladan, islamarkaana ay ka qeybqaataan dib u heshiisiinta iyo isku keenidda dhinacyada dagaallamaya.

“Ka maamul ahaan waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada ku dagaallamaya deegaanka Labi Caanood iney joojiyaan dagaallada, waxaan rabnaa inaan  sidoo kale ugu baaqno waxgaradka iney ka shaqeeyaan nabadda deegaanka iyo isku keenidda bulshada Soomaaliyeed” ayuu  yiri guddoomiyaha.

Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku geeriyootey dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Labi Caanood ee gobolka Galgaduud, welina ma muuqata dedaal lagu daminayo dagaalladan marka laga soo tago baaq nabadeed warbaahinta la mariyey.

Goobjoog News