U bood dhigaalka

Maamulka Galgaduud Oo Ka Hadlay Abaaraha Iyo Colaadaha Ka Jira Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay abaaraha iyo colaad ka taagan gobolkaasi, kuwaasi oo saameyay dadka iyo duunyada.

Guddoomiyaha gobolkaasi Maxamed Cali Cilmi ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog  ku sheegay in weli qoysaska ku dhaqan gobolka ay la daalaadhacayaan abaarta sanadkii hore ku dhufatay dalka.

Qoysas badan ayuu sheegay guddoomiyaha inay isaga barakaceen gobolka Galgaduud sababo la xiriira daaq la’aan taasoo ay ugu wacnaantay markii xilli roobaadyadii la waayay.

“Gobolka dad badan ayaa isaga barakacay waayo abaarta ayaa aad u saameysay, xoolihii yaraa ee haray waxaa loo waday deegaannada daaqa leh ee gobollada nagu dhow, saameynta abaartana waa ay jirtaa” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhanka kale, gudoomiye Cilmi oo ka hadlay xiisadda maalmahan dambe ka jirtay deegaanka Xeraale ee Galgaduud ayuu sheegay iney is hayaan dadka deegaanka iyo Ahlu-sunna Waljameeca.

“Xiisadda Xeraale waxay u dhaxeysa dadka deegaanka iyo Ahlu-sunna oo halkaasi ku duulay, dadka deegaanka maanta ma xamili karaan dhibaato iyo Barakac, deegaanka dhan waa laga barakacay, maamul ahaanna waan la soconnaa waxa halkaasi ka jira” ayuu yiri guddoomiyaha Galgaduud.

Gobolka Galgaduud ayaa kamid ah gobollada sida aadka ah ay u saameyeen abaarta iyo colaadaha sokeeye.

Goobjoog News