U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Heshiis Kala Dhex Dhigay Beello Ku Dagaallamay Galgaduud

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney ku guuleysteen dib u heshiisiinta beello walaalo ah oo horey ugu dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolka Galgaduud.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi ayaa sheegay in waxa ugu muhiimsan ee beelahan isugu keeneen ay tahay in si nabad ah loo wada daaqo, lagana wada hadlo waxa dhabta ah ee jira.

Beelaha sida gaarka ah la isugu keenay ayaa wada dega deegaanno ku dhow degmada Caabudwaaq ee Galgaduud.

“Waxaan ka shaqeyneynay dhulkaan baadiyaha ah oo ay kusoo kordheen arrimo nabadgalyada u daran, waxaan joognaa Balli-sonkor, oo ku dhow degmada Caabudwaaq, halkaas oo dadka deegaanka isugu keennay, uga hadalnay arrimo ah sidii loo heshiin lahaa, midda ugu muhiimsan waxya tahay in dadkaan shir isugu keeneynay , ka wada hadli doonaan waxa ka dhaxeeya ee dhabta ah, una gudbaan in nabad la isugu yimaado, loona wada noolaado, xoolahana ay wada daaqaan” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa ku howlan dib u heshiisiinta beelaha wada deggan degaannada maamulkaasi, kuwaa oo qaarkood horay u diriray.

Goobjoog News