U bood dhigaalka

Maamulka Galmudug Oo Sheegay Iney Ku Guuleysteen Dib u Heshiisiinta Beello Ku Dagaallamay Mudug Iyo Galgaduud

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug State ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xallinta dagaallo u dhaxeeyay beello walaalo ah oo deggan goballada Mudug iyo Galgaduud, sidoo kalena ay haatan wadaan dib u heshiinta cid walbo oo wax kala tabaneyso.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay heshiis ka dhex abuuraan beelaha goballada Galgaduud iyo Mudug deggan ee kuwaas oo deegaanno kamid ah goballadaasi muddooyinkii dambe ku dagaallamayay.

Wuxuu sheegay wasiirka inay ka war hayaan dagaallo u dhaxeeya beelo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland oo xiliyada qaar ka dhacaya deegaanno ku yaalla gobalka Mudug iyaguna ay ku talo jiraan sidii ay ku dhameyn lahaayeen.

Deegaannada ay u suurta gashay in maamulkooda uu si toos ah iyo qaab dadban uga qeybqaataan dib u heshiisiinta ayuu kusheegay deegaanno ku dhaw Guricee, Dhuuamareeb iyo sidoo kale balanballe.

“Galmudug, gaar ahaan wasaaradda aan aniga mas’uulka ka ahay shaqada ay qabatay ma yara, waxaan ku guuleysannay inaan xalinno beello badan oo gobalada Mudug iyo Galgaduud ku dagaalsanaa, waxaan gacan siinnay Odayaal dhaqameed wada hadallo u waday beelo dagaallamay illaa haddana waxaan diyaar u nahay inaan heshiis kala dhex dhigno cid walbo oo wax tabeysa” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Cismaan ayaa dhinaca kale mar wax laga weydiiyay khilaafka ka dhaxeeya maamulkooda iyo Ahlu-sunna ayuu sheegay inay jiraan wada hadallo hoose, isaga oo rajo ka muujiyey in la dhameynayo wax walbo oo la kala tabanayo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud waxaa inta badan kusoo laablaabtay dagaallada la xiriira aanooyinka qabiilka, waxaana inta badan waxyeello ay kasoo gaartaa dagaalladaasi dadka shacabk ah.

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada