U bood dhigaalka

Maamulka Garbahaarey Oo Sheegay Iney Kasoo Horjeedaan Darbiga Laga Dhigayo Balad Xaawo

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegay iney kasoo horjeedaan darbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso degmada B/xaawo ee gobolka Gedo.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmadaasi, Aadan Siraad Cali, ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in ka maamul ahaan ay ka dhiidhiyeen waxa ka socda B/xaawo.

“Annaga ka maamul ahaan uma dulqaadan karno waxa ay dowladda Kenya ka waddo degmada B/xaawo, waxaan u aragnaa iney tahay gardarro cad, waana in wax laga qabtaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Garbahaarey.

Sidoo kale, Aadan ayaa ka dalbaday maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, iney degdeg wax uga qabtaan xadgudubka dowladda Kenya ee degmada B/xaawo.

Kenya ayaa darbi dheer ka dhiseysa gudaha degmada B/xaawo, waxaana ay ku sheegtay darbigan inuu yahay mid ay ku xafidayaan ammaanka xuduudda.

Goobjoog News