U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Mamnuucay In La Qabto Shir Siyaasadeed Aysan Iyaga Ka Warhayn

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa ammar ku bixiyay in marnaba magaalada Baladweyne aan lagu qaban shir siyaasadeed aysan ka warhayn maamulkooda.

Gudoomiyaha gobalkaasi Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in dowladda uu isaga wakiil uga yahay gobalkaasi, ciddii dooneysa inay dowladda fariin gaarsiisana looga baahan yahay in isaga qoraal usoo gudbiso.

Odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ee maalmihii ugu dambeeyay shirarka ku qabanayay magaalada Baladweyne ayuu ugu baaqay inay ka taxaddaraan inay mar kale shiraan iyaga oo aan ammar ka haysan maamulka gobalka.

“Shir siyaasadeed oo maamulka ogeyn ama ogolaansho ka haysan qof qaban karo oo reer Hiiraan ah ma jirto, waxaan idiin ka codsaneynaa in dowladnimada loo hogaansamo, gobalkaan faciisa waxaa ka reebay mucaaradnimo, wixii dhaliil ah ee aad qabtaan aniga ii keena dhaqanka waxaan ka codsaneynaa in aan naloogu soo gamban, dowladda waxaad ku eedeynaysaan anniga ayaad ii keenaysaan anaa ula tagaayo” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale gudoomiye Dabageed ayaa digniin u diray warbaahinta ka howlgasha magaalada Baladweyne, isaga oo sheegay in marnaba aanay aqbali doonin idaacad ama Talefishin duuba shir siyaasadeed aan fasax ka haysan maamulka gobalka Hiiraan. waxaana uu sheegay in tallaab ay ka qaadi doonaan.

“Idaacad ama Talefishan duubi kara malahan shir siyaasadeed aan annaga fasax naga wadan, hadaad duubtaan iyaga iyo idinkaba tallaab ayaan idiin ka qaadi donnaa, waana diyaar tallaabta aan idiin ka qaadi lahayn” ayuu hadalkiisa raaciyay Gudoomiyaha.

Hadalkaan kasoo yeeray gudoomiyaha gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay Odayaal dhaqameed magaalada Baladweyne ku qabanayeen shirar ay kaga soo horjeedaan go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in shirka maamulka Sh/dhexe iyo Hiiraan Lagu qabto magaalada Jowhar.

Goobjoog News