U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Ka Hadlay Abaar Ka Jirta Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada oo ku dhuftey deegaanno ka mid ah gobolkaasi.

Guddoomiye Gobolkaasi Cali Jeyte oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladda abaareed ee gobolka Hiiraan ay tahay mid mareysa meel aad u adag, isaga oo ku baaqay in loo gurmado dadka abaartu ku hayso gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in gobolkaasi ay ku sugnaayeen dad kasoo barakacay abaar ka jirtay gobollada Galgaduud, Sh/dhexe iyo Hiiraan.

“Waxaan rabaa inaan usoo jeediyo hay’adaha samofalka iyo dadka reer Hiiraan dalka ama dibadda ha joogeene inaan ogeysiiyo dhibaatada ka jirta dalka, waxaan xog ogaal u noqday Hargeysa xoolo laga keenay Hiiraan naf lagala soo doonay, baahida maanta jirta ayaan xog ogaal u ahay, hay’adaha samofalka haddii ay yihiin kuwa gudaha iyo kuwa dibadda ah iney usoo gurmadaan shacabka gobolka, beero ma jiraan, xoolihii baab baaba’aya, colaado baa jira, caafimaad ma jiro, guud ahaan adeegii bulshada ma jiro, waxaan ku celineynaa in beesha caalamka dadkaan usoo gurmadaan, sababta ay isaga indho tireen ma garaneyno” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa dhinaca kale sheegay iney magacaabi doonaan guddiga Musiibo gobol oo uu sheegay inuu noqon doono guddi cabira xaaladda abaareed ee ka jirta gobolkaasi.

Gobollo badan oo kamid ah dalka waxaa ka jirta abaar saameysay dadka iyo duunyada, waxaana dadkaasi ay u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News