U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Ku Baaqay In La Xalliyo Mooshinnada Ka Jira Golaha Shacabka

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay dowladda dhexe iney xalliso khilaafka xilligaan ka dhex jira xildhibaannada golaha shacabka iyo sidoo kale mooshinnada is dhinac socda.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka Hiiraan Xuseen Cismaan Cali ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in shacabka ay la yaabeen mooshinkaan kusoo aaday marka dalka laga eryey shirkadda DP World.

Xuseen Cismaan Cali, oo horay uga mid aha Xildhibaannadii baarlamaankii 8aad ee Soomaaliya, waxa uu tilmaamay in muhiim ay tahay in la xalliyo khilaafka jira, lana eego xaaladaha dalka ka jira.

“Mooshinka waqti maleh, laakiinse waxaa muhiim ah in la eego danta dalka iyo dadka, waxaan qabaa in Jawaari loo daayo howshiisa waayo waa nin qabiir ah, markii uu arkay waxa socda wuxuu aqbalay in codka la geliyo mooshinkaan, waxaan rabnaa in dalka la xasiliyo, dalkaan yaan qalqal la gelin” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay guddomiyahooda Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Goobjoog News