U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Oo Soo Afjaraya Xiisadaha Colaadeed Ee Ka Jira Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegay iney soo afjari doonaan xiisadaha colaadeed ee ka jira qaar kamid ah deegaannada gobolkaasi, gaar ahaan kuwa kusoo noqnoqday deegaannada hoostaga degmada Balcad ee Shabellaha Dhexe.

Guddoomiyaha gobolkaasi Axmed Mayre Makaraan ayaa kormeer ku tagay deegaannadan oo sanad kahor si aad ah loogu dagaallamay, wuxuuna la kulmay qaar kamid ah shacabka ku dhaqan deegaannadaasi.

Mayre ayaa sheegay in aysan usii dulqaadan doonin sii socoshada xiisadahan, ka maamul ahaanna ay diyaar u yihiin in nabad laga dhigo guud ahaan Shabellaha Dhexe.

“Waxaan ballanqaadnay in bisha January 2018 aan dhigno gogol nabadeed oo ah in lagu xaliyo xiisadahan jira gaar ahaan deegaannada hoostaga degmada Balcad, si loo helo dad walaalo ah oo wada shaqeysta” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe.

Ma jirto weli xal rasmi ah oo laga gaaray dagaalladii ka dhacay deegaannada hoostaga degmada Balcad, marka laga soo tago heshiis xabad joojin ah oo maamulka Hirshabelle ka kala saxiixay beelihii dagaallamay.

Goobjoog News