U bood dhigaalka

Maamulka Goofgaduud Buurey: Al-shabaab Waxay Gubeen Saldhiggii Iyo Nalalkii Ku Shaqeynayey Cadceedda

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ay awood uga saareen deegaankaasi oo dagaalyahannadan shalay ay la wareegeen.

Guddoomiyaha deegaankaasi Xasan Isaaq oo wareysi isiiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in markii ay Al-shabaab qabsadeen ay gubeen saldhiggii degmadaasi, sidoo kalena ay waxyeello u geysteen nalalkii cadceedda ku shaqeynayey ee degmada ku yaallay.

Dagaalladii shalay ka dhacay deegaankan ayuu sheegay Guddoomiye Isaaq iney Al-shabaab kaga dileen 6 qof, kuwo kalena ay dhaawaceen waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Nimankii nabad diidka ahaa waan erinay, awood baan kaga saarnay deegaanka, waxay dab ku qabteen saldhiggii qeyb kamid ah, nalalkii soolarada ahaana qaarkood xabado ayeey ku dhufteen, hadda waa nabad deegaanka oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa K/galbeed ayaa gacanta ku haya” ayuu yiri guddoomiyaha.

Al-shabaab ayaa habeen hore illaa iyo shalay gelinkii hore waxay weeraro xooggan ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Baay.

Goobjoog News