U bood dhigaalka

Maamulka Hiiraan Oo Amray In Laga Guuro Xaruntii Tiyaatarka B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku amray in muddo Shan cisho ah ay uga guuraan dadka deggan xaruntii Tiyaatarka qaranka ee magaalada B/weyne.

Guddoomiyaha gobolkaasi Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaruntaan ay ahayd mid lagu madadaaliyo dadka, waxbadanna lagu qabtay.

Xaruntaan ayuu sheegay in kaliya aan lagu dhigi jirin riwaayado, balse lagu qaban jiray ciyaaraha kubadda Kolayga, shirarka waaweyn iyo waxyaabo dan guud ah.

Dayactir ayuu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu sameyn doono, lagana doonayo dadka deggan in si shuruud la’aan ah uga guuraan.

“Dadku waa iney isku tashadaan, waa inaan ku talogalno inaan wax qabsan karno, dadka deggan Tiyaatarka waan u mahadcelineynaa gacanta ayeey ku hayeen dhowr iyo Labaatan sano ah laakiinse waxaan rabnaa iney 5 maalmood ay alaabadooda uga gurtaan, haddii ay rabaan banaanada kore dhul ay degaan annaga ayaa siin donna, haddii kalena qaraabadooda ay aadaan, haddii ay isku adkeeyaanna annaga ayaa alaabaha gacanteenna uga guri donna” ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Tiyaatarka B/weyne waxaa ku nool boqolaal qof oo shacab ah, waxaana ay halkaasi deganaayeen wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee dalka.

Goobjoog News