Maamulka Hirshabelle: Waxaa Bilowday Howlgalka Al-shabaab Looga Saarayo Sh/dhexe

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in gobolka Shabellaha Dhexe uu ka bilowday howlgallo ay sheegeen in gobolkaasi looga sifeynayo Xarakada Al-shabaab.

Mahad Xasan Cismaan, wasiirka warfaafinta maamulkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhammaan Tuulooyinka ay ku sugan yihiin Al-shabaab ay gaari doonaan ciidamada xoogga dalka.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in la isku furi doono B/weyne illaa Jowhar, howlgalkaanna uu yahay midkii ugu dambeeyey ee  Al-shabaab ay kula dagaallamayaan.

“Guud ahaan gobolka Shabellaha Dhexe waxaa laga saarayaa Al-shabaab, ciidanka xoogga dalka ayaa horkacaya howlgalka, waxaana qorshaha yahay in la  guud ahaan gobolka laga xoreeyo nabad diidka, qorshuhuna waa mid ballaaran oo aan laga soo laabaneyn” ayuu yiri Wasiirka.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay waxay weerar ku qaadeen deegaanno Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW