U bood dhigaalka

Maamulka Hobyo Oo Ka Warbixyey Shactar Ku Degay Xeebaha Mudug

Sheeko:Dalka

Shactar ka baxay Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Hobyo ayaa ku degay meel aan ka fogeyn xeebaha degmadaasi ee gobolka Mudug, kaasi oo waday qalab kala duwan.

Maxamuud Maxamed Cawaale, guddoomiye ku xigeenka maamulka Hobyo ayaa u sheegay Goobjoog News in shactarkan uu degay habeenkii xalay ahaa, lana badbaadiyey 11 ruux oo ka shaqeynayey shactarkaasi.

Wuxuu sheegay guddoomiye ku xigeenka in shactarkaan uu waday qalab dhisme oo badan sida qalab lagu dhisi lahaa waddo isku xirta Hobyo iyo Gaalkacyo, qalab loo waday garoonka diyaaradaha degmadaasi iyo sidoo kale nalalka ku shaqeeya cadceedda.

“Aad ayaan uga xunnahay wixii dhacay, Shactarkaan wuxuu ka yimid magaalada Muqdisho waxaa saarnaa qalab badan oo dhisme ah, waxaa uu waday qalab lagu dhisayey wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo, nalal ku shaqeeya cadceedda iyo qalab kale, 11 shaqaale oo kabtankii uu ku jiro waa la badbaadiyey” ayuu yiri Cawaale.

Weli gacnacsatadii soo raratay shactarkaan kama aanay hadal arrintan sidoo kalena ma aanay faah faahin qarashka wadarta guud alaabta khasaartay.

Goobjoog News