U bood dhigaalka

Maamulka Isboortiga Degmada Waaberi Oo kulan Soo dhaweyn Ah U Samayay Qurabjoogta Ku Soo Laabatay Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka Isboortiga Degmada Waaberi ayaa kulan soo dhaweyn ah Magaalada Muqdisho ugu sameeyay ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya iyo qurbajoogta ku soo laabanaysa caasimada,iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin horomarinta iyo kor u qaadida isboortiga Degmada Waaberi.

“Waxaan diyaar u nahay soo dhaweynta qof kasta oo u baahan horomarinta isboortiga Degmada,waxaan ku haminaynaa in aan kor u qaadno guulaha ay degmada Waaberi ka samaysay ciyaaraha kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir” ayuu sheegay Guddoomiyaha Kubbadda Cagta Degmada Waaberi mduane  Mahad Maxamuud Axmed (Boorow)

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya mudane Cabdifataax Qaasim ayaa u mahadceliyay maamulka isboortiga degmada Waaberi sida wanaagsan ay u soo dhaweeyeen dhalinyarada iyo Qurbajoogta ku soo laabanaysa Magaalada Muqdisho,isagoo u mahadceliyay Qurbajoogta

Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulankii Loo Sameeyay Bahda Isboortiga

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle