U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Ku Hanjabay Dagaal Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa ku hanjabay dagaal ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanno ka mid ah gobalka Jubada Dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dhawaan ay weerar ku qaadi doonaan degmada Bu’aale ee xarunta gobalka Jubada Dhexe.

Ciidamadooda ayuu sheegay in ay heegan ugu jiraan sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen meel walba oo ay kaga sugan yihiin Seddaxda gobal ee Jubbaland hoostaga.

“Waxaan rajeynaynaa in maalmaha soo aadan aan la wareegno degmada Bu’aale iyo guud ahaan gobalka Jubada dhexe, Jubbaland wey is raacday waxa inoo haray waa inaan nabad diidka ka saarnaa meelaha ay ku sugan yihiin” ayuu yiri Fartaag.

Dhinaca kale Jeneraal Fartaag ayaa sheegay in magaalada Kismaayo lagu qaban doono shirar gaar gaar ah oo lagu qancin doono siyaasiyiin uu sheegay in weli ay dhaliilsan yihiin maamulkooda.

Maamulka Jubbaland ayaan ka arrimin degmo ka mid ah gobalka Jubada dhexe, halka xarunta maamulkaasina ay tahay degmada Bu’aale oo Al-shabaab ay maamulaan.

Goobjoog News