U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo La Eedeeyay

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee degmada Hoosingow ee gobalka Jubbada Hoose ayaa maamulka Jubbaland ku eedeeyay in ay cunaqabateyn saareen shacabkii degmadaasi.

Gaashaanle Dhexe Xasan Maxamed Xujaale oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan maamulka Jubba ay xirteen seddex wado oo laga gali jiray Hoosingow taas oo adkeysay in wax gaadiid ah ay u gudbaan degmadaasi.

Wuxuu sheegay in arrintani ay daba socoto dagaal beeleed ka taagnaa muddooyinkii dambe duuleedka Hoosingow ee Jubada Hoose.

Maamulka Jubba ayuu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan dhibaatada ka taagan degmada Hoosingow, wuxuuna dowladda ugu baaqay in ay si degdeg ah ku soo fara-galiso.

Saraakiisha maamulka Jubbaland kama aanay hadal eedeyntaan loo jeediyay, inaga oo qaarkood isku daynay xiriir in aynu la sameynayo hase ahaatee inooma suurta galin.

Goobjoog News