U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Maareeyeyaal Cusub u Magacaabay Garoonka Iyo Dekadda Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wareegto uu ku saxiixan yahay wasiirka gaadiidka iyo duulista Hawada ee Jubbaland ayaa waxaa lagu magacaabay maareeyeyaasha Dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Axmed Xaaji Aadan Guuleed ayaa loo magacaabay maareeyaha cusub ee Dekadda Magaalada Kismaayo, halka Cabdullaahi Aadan Maxamuud loo magacaabay maareeyaha Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Waxaa xilalkii laga qaaday mas’uuliyiintii hore ee xilalkaasi haysay, iyadoo shaqasiyaadkaan cusub ee la magacaabay rajo laga muujiyey in wax badan ay ka bedali doonaan shaqada Garoonka iyo Dekadda magaalada Kismaayo.

Wareegtada hoos ka akhriso.

002 001

Goobjoog News