U bood dhigaalka

Maamulka Jubbaland Oo Sheegay Iney Qabteen Qaraxyo Lagu Aasayey Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen Miinooyin ay sheegeen in la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Axmed Maxamed Maxamuud, Afhayeenka laamaha amniga ee Jubbaland oo saxaafadda kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay iney hayaan Miinooyinkaasi iyo raggii sameynayey.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in  xog badan ay soo gudbiyeen dadka shacabka ah, islaamarkaana howlgal ay sameeyeen nabad sugidda Jubbaland lagu guuleystay in la qabto Miinooyinka iyo raggii sameynayey.

“Ciidamada waxay guri ku yaalla Kismaayo ku qabteen rag cadow ah iyo Miinooyin ay sameynayeen si ay shacabka Kismaayo ku nool ee Jubbaland ugu dhibaateeyaan, waxay doonayeen in maato aan waxbo galabsan in lagu dhibaateeyo miinooyinkaan, laakiinse gacanta ciidamada Jubbaland ayeey soo galeen” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhanka kale, Afhayeen Axmed ayaa sheegay in ragga ay soo qabteen ay geyn doonaan maxkamadda ciidamada Jubbaland, islamarkaana sharciga wixii uu ka qabo la marsiin doono.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa marar badan sidan oo kale howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo waxay kusoo qabteen Miinooyin iyo rag la sheegay iney farsameynayeen.

Goobjoog News