U bood dhigaalka

Maamulka Laascaanood Oo Soosaaray Amarro La Xiriira Amniga

Sheeko:Dalka

Laamaha amniga Laascaanood ayaa maanta soo saaray amarro la xiriira dhanka ammaanka oo ay ka mid yihiin in ciidanka ammaanka kuwa aan aheyn aysan hub ku dhaxqaadan Karin magaalada.

Xildhibaan Saciid Maxamed oo ah xoghaya guddiga amniga Laascaanood ayaa war-murtiyeedka ay soo saareen aqriyey waxaa uuna yiri.

“Hubka, gaadiidka iyo shirarka si loo adkeeyo nabad-gelyada annaga oo fulineyno waajibaadka shaqo ee wafdiga golayaasha qaranka marka laga reebo ciidanka Booliska oo kaliya waxaa reeban ku sidashada hubka magaalada dhaxdeeda, waxaa reeban in magaalada lagu dhexmaro gaadiid aan laheyn Taargada gaadiidka Somaliland, waxaa la mamnuucay qabashada shirarka”.

Maamulka Laascaanood ayaa bushada ku dhaqan maagalada waxay uga digeen in ay jabiyaan awaamirta la soo-saaray iyaga oo sheegay in shacabka ay kala shaqeeyaa laamaha amniga sugidda ammaanka.

Goobjoog News