Maamulka Leego: Maamulka K/galbeed Wuu Inaga Eexday

Maamulka Deegaanka leego ee shabeellaha hoose ayaa sheegay in maamulka koofur Galbeed uu ku fashilmay wax ka qabashada Ammniga, iyo Abaaraha ka taagan degaanada hoostaga deegaankaasi.

Abukar Cabdullahi Isaaq, gudoomiyaha degaankaasi ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore maamulkaas ay kala hadleen xaaladaha Abaaraha ka jira degaannada Shabeellaha hoose, balse wax jwaab ah aysan ka bixin,

Abaar baahsan ayuu sheegay iney ka jirto deegaanka Leego iyo sidoo kale deegaannada hoos kale ee hoos yimaada, isaga oo tilmaamay in dadku aaney helin gurmad, uguna daran tahay helista biyo ay dadka cabaan.

“Maamulka K/galbeed waxbo inooma qaban, abaar adag ayaa nagu habsatay, annagii oo maaamulka ahaa ayaan haysan biyo iskaba daa dadkii shacabka ahaa, K/galbeed gargaar raashiin ayaa loo keenaa Wanlaweyn ayuu ku egyahay, Leego waa laga eexday” ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn guddoomiye Abukar C/laaahi Isaaq ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo maamulka K/galbeed in ay gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah ay lasoo gaaraan shacabka ku dhaqan deegaankaasi.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW