U bood dhigaalka

Maamulka Leego Oo Sheegay Iney Al-shabaab Kala Wareegi Doonaan Deegaankaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Leego ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay iney ka go’an tahay sidii ay dib ula wareegi lahaayeen deegaankaasi oo ay hadda maamusho Xarakada Al-shabaab.

Abukar C/laahi Isaaq oo ah guddoomiyaha Leego, ayaa u sheegay Goobjoog in maalmaha soo aadan ay ku wajahan yihiin deegaankaasi.

Waxa uu tilmaamay in maamulkooda aanu ka quusan Leego, ee ay jito qorshe dib ugu laabanayaan deegaankaasi.

“Waxaan wadnaa dedaal ku aadan sidii aan dib ugu laaban lahayn deegaanka Leego, waxaan dooneynaa inaan nabad diidka ka saarno, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa ku tageynaa Leego” ayuu yiri guddoomiyaha.

Al-shabaab ayaa bishan la wareegtay Leego, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka SOomaaliya.

Goobjoog News