U bood dhigaalka

Maamulka Magaalada Baladweyne Oo Ka Digay Iibsashada Dhulalka Iyo Guryaha Danta Guud

Sheeko:Dalka

Maamulka magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa digniin kasoo saaray iibsashada dhulalka iyo guryaha danta guud.

Gudoomiye ku xigeenka magaalada Baladweyne ahna ku simaha degmadaasi Bashiir Xuseen Dhoore oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in la yaab ay ku noqotay xilligaan in la kala qeybsado dhulka xeradii Daraawiishta.

Maamulka degmada B/weyne ayuu sheegay in aanu wax war ah ka hayn, sidoo kalena aysan arrintaan waxba kala socon mas’uuliyiinta maamulka guud ee gobalka Hiiraan qaarkood.

“Ka maamul ahaan waxaa arrin mucjiso ah nala ah in arrin muddo Sanad ah soo laalaabanaysay oo ahayd dhulkii Xeradii daraawiishta oo horay loo joojiyay in la iibsado hadana maanta la leeyahay waa la iibinayaa oo la kala goosgoosto, waxaan rabnaa inaan u sheegno umadda Soomaaliyeed waa dhul 80 sano dhisan oo taariikhi ah, dhulkii Booliiska lahaa weynu siinay, inta harayna waa tii maamulka Baladweyne” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Dhinaca kale gudoomiye Bashiir Dhoore ayaa sheegay in hay’adihii amniga ay ku war geliyeen in degdeg wax looga qabto arrintaasi, balse ay ka madax adeegeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan ayuu sheegay in ammarka iibinta dhulkaasi uu bixiyay, balse aanay la qabin maamulka intiisa kale, isaga oo sheegay in ciddi qaadda dhagax dhulkaasi yaalla ama Geed ka jarta in sharciga lala tiigsan doono.

Ugu dambeyn ayuu sheegay gudoomiye ku xigeenka magaalada Baladweyne Bashiir Xuseen Dhoore in ay u sheegayaan madaxda sare ee dowladda Soomaaliya in degdeg ay kusoo farageliyaan arrintaan oo uu tilmaamay inay horseedayso in la dhaco hantida shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News