U bood dhigaalka

Maamulka Puntland oo Amarro Duldhigay Ganacsada Boosaaso

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cismaan Karaash oo kulan la qaatay ganacsada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa amarro duldhigay, taas oo la xiriirta qaadista shilinka Soomaaliga.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in ganacsatada laga doonaayo in ay qaataan shilinka Soomaaliga oo muddooyinkii dambe uu ka taagnaa muran u dhaxeeyo ganacsada iyo maamul goboleedka Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka  ayaa xusay in haddii ganacsatadu ay kasoo baxaan ballankaas, dhankooda ay fulin doonaan ballanqaadyadii hore labada dhinac ay  ugu heshiiyeen sida uu hadalka u dhigay Axmed Karaash.

” Waxaan ganacsatada faray inay qaataan lacagta shillinka soomaaliga , sidoo kalena ay dowladdu dhankeeda fulinayso qodobadii hore loogu heshiiyey” ayuu yiri Axmed  Karaash.

Muddooyinkii dambe shacabka magaalooyinka maamulka Puntland ayaa waxaa ay walaac ka muujinayaan sicir barar baahsan oo ka dhashay shilinka Soomaaliga, waxaana u sabab ah shilinka Soomaaliga oo aad u badan marka loo eego lagacaha Dollar ka.Image may contain: 7 people, people sitting and indoor

Image may contain: 6 people, people sitting

Image may contain: 6 people, people sitting

Image may contain: 5 people, people sitting and indoor

Goobjoog News