Maamulka Puntland Oo Duq Cusub u Magacaabay Laascaanood, Sool

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, ahna ku simaha madaxweynaha, Injineer C/xakiin C/laahi Camey ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu duqa magaalada Laascaanood ugu magacaabay Mukhtaar Maxamed Garaad.

Camey ayaa sheegay in markii uu la tashi badan sameeyay, arkayna in la dardargeliyo howlaha shaqo ee magaaladaasi inuu gartay in Mukhtaar xilkaan loo magacaabo.

Sidoo kale, waxaa wareegtadan xilkii looga qaaday duqii hore ee maamulka Puntland ugu magacawnaa magaaladaasi C/lla Xaaji Warsame.

Laascaanood waxaa gacanta ku haya Somaliland, waxayna tani sii hurin kartaa xiisadda maalmihii ugu dambeysay ka dhaxeysay maamullada.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada:

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW