U bood dhigaalka

Maamulka Puntland Oo La Dagaallamaya Musuqmaasuqa

Sheeko:Dalka

Agaasimaha Hay’adda Asteenta maamul wanaagga Puntland Cabdiraxmaan Guureeye ayaa sheegay in maamulkooda uu usoo jeysatay sidii looga hortagi lahaa in uu baaho musuqa, loona baahin lahaa maamul wanaagga.

Waxa uu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii guud ahaan Puntland uu uga suuli lahaa Musuqmaasuqa, lana dardar gelin doona sidii shacabka iyo hay’adaha maamulkaasi looga wacyi gelin lahaa Musuqaasi.

“In Musuqamaasuqa uu noqdo wax Puntland ka suula ayaan ku dadaaleynaa, rajadaasina waan qabnaa, walibana in faham mideysan laga qaato barnaamijka dowladda u degan ee lagula dagaallamayo Musuqa, qeybta Sedaxaadna waxa ay tahay in adeegga loo gudbinayo shacab weynaha reer Puntland iyo xafiis walba oo shacabka adeeg u gudbinayo uu noqdo adeegii la rabay oo shacabkana helaan adeeg tayeeysan oo ay ku qancaan, in maamul wanaagga aad iyo aad u fiicnaado, waxaana rabnaa in dalka uu hormaro” ayuu yiri agaasimaha.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobalka Nugaal Cabdullaahi Ciise ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan wax walba oo lagu dagaallamayo Musuqa oo inta badan lagu eedeeyo inuu ka jiro hay’adaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan waxa uu sheegay in lala xisaabtami doono hay’ad walba oo Puntland ka tirsan si loola dagaallamao Musuqmaasuqa.

Goobjoog News