U bood dhigaalka

Maamulka Qansax Dheere: Macluul Ayaa Ka Jirta Degmada

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa sheegay in degmadaasi ay ka jirto macluul, kana baqayaan in dad badan ay dhintaan.

Guddoomiyaha degmadaasi Aadan Cabdi Qooqane, oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in degmada ay ku sugan yihiin qoysas fara badan oo la daalaadhacaya xaalado nolol xumo.

Waxa uu sheegay in ay soo gaartay kaalmo loogu talagalay degmadaasi dadka ku nool haseyeeshee ay tahay mid aan kaafin karin baahida qoysaska ay qabaan.

Aadan Cabdi, ayaa sheegay in hadda uusan jirin kiis dhimasho ah, balse macluusha degmada ka jirta ay sabab u noqon karto in dadka taagta daran ay u geeriyoodaan cudurro iyo gaajo.

“Xaaladda meel adag ayeey mareysaa, degmada Macluul ayaa ka jirta, haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban xaaladda dadkaan waxaa hubaal ah in dad badan macluushan ay u dhiman karaan, kaalmo aan badneyd waa ay timid, hase ahaatee baahida taalla ayaa ka badan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Gobolka Baay ayaa kamid ah meelaha sida daran u saameysan abaartii loogu magac daray SIMA ee dalka ku dhufatay.

Goobjoog News