U bood dhigaalka

Maamulka Sh/dhexe Oo Kala Dhexgalay Maleeshiyaad Ku Dagaallamay Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa lagu soo waramayaa iney kala dhexgaleen maleeshiyaad shalay ku dagaallamay deegaannada Daymasame iyo Maandheere oo Koonfur Bari ka xiga magaalada Jowhar.

Ciidamo ka socda maamulkan ayaa la sheegay iney tageen deegaannadan, islamarkaana ay kala dhexgaleen maleeshiyaadkii dagaallamay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in haatan ay xaaladda ay tahay mid deggan, islamarkaana ay socdaan dedaallo Labada dhinac la doonayo in lagu wadahadalsiiyo.

Dagaalladii ka dhacay deegaannadan ayaa salka ku haya muran ku saabsan dhul beereed ku yaalla sohdinta Labadan deegaan.

Marar badan sidan oo kale waxaa deegaannadan ugu dagaallamay maleeshiyaad u abaabulan qaab qabiil, iyadoo ay muuqato inaan weli la gaarin xal buuxa.

Goobjoog News