U bood dhigaalka

Maamulka Sh/dhexe Oo Ka Digey Fatahaad Uu Sameeyo Wabiga Shabelle

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa uga digey shacabka ku dhaqan degmadaasi fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabelle, kadib markii Wabiga uu keenay biyo aad u badan.

Guddoomiyaha gobolkaasi Axmed Meyre Makaraan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laga baqayo Wabiga inuu fataho, maadaama dhowaan uu ka biyo deeyey tuulada Timire ee hoostagta degmada Jowhar.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in dadka ku dhaqan hareeraha Wabiga laga doonayo iney sameeyaan feejignaan xooggan, si aanu u saameyn Wabiga.

“Iyadoo aan xilli roob lagu jirin ayuu wabiga bilaabay inuu meello jabsado, sidoo kale wabiga hadda biyo badan ayuu keenay, weyna ka daran tahay haddii roob yimaado, marka dadka waxaan u sheegeynaa iney muujiyaan taxadar badan, annagane ka maamul ahaan aad baan u dedaaleynaa” ayuu yiri guddoomiyaha Sh/dhexe.

Wabiga Shabelle ayaa sida looga bartay xilli roobaadka markii la gaaro fatahaad ku sameeya dhammaan deegaannada uu dalka ka maro, wuxuuna saameeyaa qoysas badan.

Goobjoog News