Maamulka Sh/dhexe Oo Ku Baaqay In Shacabka Lagu Garabsiiyo Wax Soo Saarka Beeraha

Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ugu baaqay hay’adda FOA iney xoogga saarto sidii sanadkaan dadka ku dhaqan gobolkaasi loogu dhiirogelin lahaa wax soo saarkooda, loogana saacidi lahaa dhanka beeraha.

Guddoomiyaha gobolkaasi Axmed Mayre Makaraan ayaa sheegay in dadka ay u baahan yihiin gacansiin, islamarkaana haddii ay helaan caawinaad ay yaraaneyso saameynta abaaraha.

“Abaarta ilaahay hanaga haayo, waxaan hay’adaha nasoo booqday fariinta u gudbineynaa ay tahay iney noqoto waxa la qabanayo in xoogga la saaro sanadkaan beeraha, in aan xooggeena meel isugu geynno” ayuu yiri guddoomiyaha.

Bulshada ku dhaqan gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan kuwa ka fog Wabiga waxaa aad u sameeyay abaartii dalka ku dhufatay, hase ahaatee hadda waxaa muuqaneysa ififaalo wanaagsan oo wax soo saar ah.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW