U bood dhigaalka

Maamulka Sh/hoose Oo Ka Hadlay Dhibaato Ay Ciidanka AMISOM u Geysteen Dad Shacab Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka hadlay dhibaato ay shalay iyo habeen hore ciidamada AMISOM ka geysteen degeenno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.

Guddoomiyaha gobolkaasi Ibraahim Cali Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulan degdeg ah ay la yeesheen taliska AMISOM ee Shabellaha Hoose, ayna ka wada hadleen waxyaabihii dhacay.

Waxa uu sheegay in la baari doono sida ugu dhaqsiyaha badan dhibaatooyinkan ay geysteen ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay ka maamul ahaan u saareen guddi baara.

“AMISOM waan wada hadalnay, waxaan isugu nimid shir degdeg ah, guddi baaritaan dheeraad ah sameeya ayaan u xilsaarnay dhibaatadii ka dhacday gobolka, sidoo kale waxaan isla fahamnay in loo gurmado dadkii la dhibaateeyay, howshaasina waan ku jirnaa” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose.

Gaari ay wateen askar ka tirsan AMISOM ayaa deegaanka Ceel-wareegow ee gobolka Shabellaha Hoose ku jiirey 5 qof oo isku qoys ah oo ay ku jirto hooyadii qoyskaasi, sidoo kale habeen kahor ciidamo AMISOM ayaa nawaaxiga degmada Qoryooley waxay qori Baasuuke ah ku dhufteen gaari ay saarnaayeen 6 qof oo shacab ah, dadkaasi oo dhammaantood halkaasi ku geeriyoodey.

Goobjoog News