U bood dhigaalka

Maamulka Somaliland Oo Musaafuriyey Labo Qof Oo u Dhashay Denmark

Sheeko:Dalka

Maamulka Somaliland ayaa musaafuriyey Labo ruux oo u dhashay dalka Demark, kuwaasi oo la sheegay iney u gafeen Diinteenaa Islaamka ee Suuban.

Wasiirka Qorsheynta Somaliland, Maxamed Ibraahim oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Labadan ruux oo midi haweeney ahayd ay u shaqeynayeen hay’adda DRC.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in haweeneyda lagu helay kiis ah iney handeday darawalkeedii oo Salaad duhur ku jirey xilli ay kasoo degtay garoonka Hargeysa.

Shaqsiga kale ayaa isna la sheegay inuu hadal aan wanaagsaneyn ka sheegay Aadanka, laguna helay caddeymo.

Wasiir Ibraahim ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid walbo oo diinteenna wax ka sheegta, waxaana uu amaaney hay’adda DRC oo uu sheegay iney la qaateen iyaguna go’aan ah in Labadaasi shaqsi shaqo joojin lagu sameeyo.

Goobjoog News