U bood dhigaalka

Madaxda Caalamka oo ka hadashay weerarkii ka dhacay Istanbul

Sheeko:Dalka

Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qarax galabnimadii shalay ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo ay ku dhinteen dad fara badan.

Inta la xaqiijiyay dhimashada ayaa gaaraysa illa iyo lix qof, halka tirada dadka dhaawaca ah ay hadda mareyso 81 qof, kuwaas oo waxyeello kala duwan ka soo gaartay qaraxa.

Sida uu sheegay guddoomiyaha Istanbul Ali Yerlikaya, qaraxa ayaa dhacay 4:20pm, xilliga Turkiga, waxaana la sheegay in bomka qarxay ay qarxisay haweeneey.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa shir jaraa’id uu qabtay ka hor inta aanu u bixin shir madaxeedka 17-aad ee G20, oo ka dhacaya dalka Indonesia.

“Dadaallo lagu doonayo in lagu qabto maamulka Turkiga iyo qaranka Turkiga iyadoo loo marayo argagixisanimo wax natiijo ah kama soo baxayso,” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhinaca kale madaxda caalamka iyo dowladaha saaxiibka la ah Turkiga ayaa cambaareeyay weerarka ka dhacay magaalada Istanbul.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ay dowladdiisa ka xuntahay qaraxa ka dhacay Istanbul.

“Dowladda iyo shacabka Pakistan waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan shacabka walaalaha ah ee ku dhaqan magaalada Istanbul ee  Turkiga ee ku dhintay qaraxii dhacay, waxayna u dirayaan inta ku dhaawacantay inuu caafimaad degdeg ah eebbe  siiyo,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif .

Madaxweynaha Asarbayjaan Ilham Aliyev ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay in Asarbayjaan ay aad uga naxday warkaas, wuxuuna intaas ku daray: “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa idinka, qoysaska iyo ehelada dadkii lagu laayay, iyo shacabka walaalaha ah ee Turkiga, waxaanan u rajeeyay soo kabashada deg-deg ah.”

Ra’iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa si weyn dhankiisa uga hadlay qaraxa ka dhacay magaalada Istanbula waxa uuna yiri” “Fikradeenu waxay la jirtaa dhibanayaasha, iyo dhammaan kuwa eheladooda waayay, waxaan garab taagannahay Turkiga,” .

Dhankiisa, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray inuu aad uga xun yahay warkan, wuxuuna tacsi u diray dadkii ku dhintay qaraxa, wuxuuna u rajeeyay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawacmay.

“Xanuunka dadka Turkiga ee saaxiibka ah waa xanuunkayaga,” ayuu yiri madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

Madaxweynaha Seerbiya Aleksandar Vucic ayaa sheegay in dhacdadani aysan gilgilin oo kaliya dadka degan Istanbul, balse ay gilgishay dhamaan caalamka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in ay ka xun yihiin wixii dhacay.

“Maalintan oo kale oo astaan ​​u ah qarankeena, iyadoo aan ka fikireyno dhibbanayaashii ku dhintay 13-kii November, 2015, dadka Turkiga waxaa ku dhacay weerar . Turkiga: Waxaan idinla wadaageynaa xanuunkaaga, waan garab taagannahay. waxaad ku jirtaa la dagaalanka argagixisada,” ayuu yiri  Macron.

Madaxweynaha Kosovo Vjosa Osmani iyo Ra’iisul Wasaare Albin Kurti ayaa sidoo kale diray fariintooda tacsida ah.

Waxaa sidoo kale dhambaal tacsi ah diray madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell, guddoomiyaha golaha Yurub Charles Michel, madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier iyo ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni.

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa yiri: “Sawirro naxdin leh oo laga soo qaaday Istanbul. Waxaan u tacsiyeynayaa dhammaan dadka ay dhibaatadu saameysey & shacabka Turkiga.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka.

“Maraykanku waxa uu si adag u cambaaraynayaa falkii rabshadaha ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo ay soo saartay xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre.

Golaha iskaashiga khaliijka iyo madaxweynaha Bosnia iyo Herzegovina ee jamhuuriyadda Srpska, Milorad Dodik, ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka.

Madaxweynaha Senegal iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Macky Sall “si adag” ayaa u cambaareeyay dhankooda weerarka, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweyne Erdogan iyo shacabka Turkiga.

Madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye ayaa sidoo kale cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay “weerar argagaxiso oo argagax leh.”

“Waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro Madaxweyne Erdogan iyo shacabka Turkiga xilligan murugada leh. Waa inaan dib u soo celinaa dadaalkeena wadajirka ah ee dagaalka lagula jiro argagixisada,” ayuu yiri Ndayishimiye.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar uu cambaareeyey weerarkaas waxa uu yiri: “Fikirkeena iyo ducadeena waxaan la garab taagannahay dhibanayaasha, shacabka iyo dowladda Turkiga. Turkiga waa saaxiib qiimo nagu leh oo ku wajahan amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Xafiiska madaxweynaha Congo ayaa sheegay in madaxweyne Felix Tshisekedi uu si aad ah uga xumaaday weerarka lagu dilay, waxaana uu ku celiyay sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ka barbar socda Turkiga.

Tshisekedi ayaa muujiyay taageerada uu u hayo Madaxweyne Erdogan, shacabka Turkiga iyo ehelada dhibanayaasha.

Dhammaan madaxda caalamka ayaa si adag uga hadashay weerarka ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Goobjoog News