U bood dhigaalka

Madaxda Caalamka oo London ku qul-qulaya si ay uga qaybgalaan aaska Boqorad Elizabeth II.

Sheeko:Dalka

Boqor Charles III,  ayaa la filayaa maanta uu qasriga Buckingham  uu ku soo dhaweeyo boqolaal kamid ah madaxda caalamka kuwaa UK u tagaya ka qaybgalka aaska boqorad Elizabeth II.

Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in aas qaran loo sameeyo, kadib geerideedii todobaadkii hore, markii ay ku geeriyootay da’da 96-aadka.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa habeennimadii xalay gaaray London, halkaas oo uu kaga qaybgalayo aaska Elizabeth.

Inkabadan shan boqol oo isugu jirta madaxda caalamka iyo marti sharaf ayaa lagu casuumay aaska boqoradda, waxaana sidoo kale ka soo qayb galaya kumanaan kale.

Droupadi Murmu, oo ah madaxweynaha dalka Hindiya ayaa sidoo kale saacado ka hor soo gaartay magaalada London, ra’iisulwasaarayaasha dalalka Canada, Australia iyo New Zealand ayaa iyaguna soo gaaray London oo ay kaga qaybgalayaan aaska boqoradda.

Baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa dhankiisa shaaciyay in madaxda Shiinaha ay kamid yihiin mas’uuliyiinta lagu casuumay ka qaybgalka aaska boqorad Elizabeth II.

Madaxda ugu sareyso dalalka caalamka ayaa ku soo wajahan UK, si ay uga qaybgalaan aaska boqoradda, halka madaxda dalalka qaar laga codsaday kaliya in ay soo diraan diblomaansiyiin.

Dalalka Suuriya, Venezuela, Afghanistan, Myanmar, Ruushka iyo Belarus ayaan iyagu lagu casuumin, in ay ka soo qaybgalaan aaska boqoradda,  halka Iran, Kuuriyada Waqooyi iyo Nicaragua loo gudbiyay codsiga soo gudbinta diblomaasiyiin sare oo kaga qaybgasha aaska.

Maxammed Bin Salmaan, dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kamid ah madaxda lagu casuumay in ay London soo gaarto, xilli hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay si wayn uga soo horjeedaan imaatinkiisa.

Goobjoog News