U bood dhigaalka

Madaxda dowlad gobaleedyada oo muqdisho ku soo wajahan, Akhriso ujeedkooda

Sheeko:Dalka

Wxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay yimaadaan dhammaan madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada dalka, si ay uga qayb galaan shirka wadatashiga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah DF.

Shirka ayaa la filaya in uu magaalada Muqdisho ka furmo maalinta beri oo Axad ah, waxaana soo xaadiri doona kulanka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed.

Kulanka dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka ayaa looga hadlaya arrimaha Maaliyadda iyo dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalada qaar ee dalka, gaar ahaan maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Madaxda dowlad gobaleedyada ayaa la filayaa in ay soo gaaraan caasimadda saacadaha soo socda ee maanta oo Sabti.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada