U bood dhigaalka

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Maanta Ku Wajahan Baydhabo

Sheeko:Dalka

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah ay gaaraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka, halkaasi oo lagu wado inuu ka furmo shirka amniga qaranka.

Shirkaan ayaa la filayaa in Baydhabo uu ka dhaco 13-ka bishan, waxaana ka qeybgalaya madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Wariyaheenna Baydhabo ayaa soo sheegaya in madaxda maamul goboleedyada qaarkood ay maanta tagi doonaan Baydhabo, kana soo hormari doonaan madaxda dowladda.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo la diyaariyey halka shirkan uu ka dhici lahaa.

Shirkan ka furmaya Baydhabo ayaa lagu waday inuu furmo 28-kii Febraayo 2018, hase ahaatee dib uga dhacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada