U bood dhigaalka

Madaxda Puntland Oo La Xisaabtamaya Wasiiradooda

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal waxaa ka furmay shir ballaaran oo la sheegay inuu yahay mid lagula xisaabtamayo dhammaan wasiirada maamulkaasi.

Shirkaan oo socon doona muddo Afar maalin ah ayaa maalin walba waxaa su’aallo lagu weydiin doonaa dhowr wasiir kuwaasi oo sharaxaad ka bixin doona waxyaabaha u qabsoomay iyo sidoo kale qorshahooda waxa uu yahay.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shirkani furay ayaa sheegay in la ogaan doono wasaaradii shaqo u qabatay shacabka Puntland iyo sidoo kale midda aan waxba qaban.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la hayo dhammaan qorshihii ay soo bandhigeen sanadkii 2015 wasiirada Puntland ee ahaa in sanadkaasi ay qabanayaan, iyadoo la ogaan doono wasaarad walba waxa ay qorshahaasi ka qabatay iyo waxa ay ku fashilantay intaba.

Shirkaan ayaa sanadkii Labaad lagu qabanayaa magaalada Garoowe, waxaana toos looga baahinayaa la xisaabtanka wasiiradan warbaahinta maqalka iyo muuqaalka intaba.

Goobjoog News