U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Hoggaanka Ciidamada Daraawiishta iyo Asluubta Puntland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa wareegtooyin ka soo baxay xafiiskiisa waxaa lagu magacaabay Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland, Abaan duulaha ciidamada daraawiishta, taliyaha ciidamada Asluubta Puntland iyo labadiisa ku-xigeen.

Wareegtada koowaad ee ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland ayaa lagu sheegay in S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland, halka  S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Wareegtada labaad ee ka soo baxday madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa lagu magacaabay taliyaha asluubta ee ciidamada Puntland iyo labadiisa ku-xigeen.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay S/Guuto Saxardiid Maxamed Axmed (Colow) Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, halka  S/Guuto Cabdullaahi Cismaan Libaan loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, iyadoo S/Guuto Cabdulqaadir Axmed-Khayr Muuse loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

Wareegtooyinkaan ayaa dhammaan la sheegay in ay dhaqan galayaan marka uu saxiixo madaxweynaha Puntland, waana uu saxiixay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada