U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Oo Xaalad Deg-deg Ku Soo Rogay Galmudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah kadib markii maamulkaasi uu galay xaalad degenaashiyo la’aan.

Mr. Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu go’aankan qaatay kadib markii ay talo ahaan ugu soo jeediyeen golohiisa wasiirada.

Qodobada Xeerka Xaaladda Deg-dega ah:

  1. Dhammaan deegaannada Galmudug waxaa lagu soo rogay xaalad deg-deg ah muddo 3 bilood ah oo ka bilaabaneysa 1 October 2017.
  2. Xaaladda deg-degga ah waxaa ay siineysaa xukuumadda Galmudug awoodo dheeraad ah oo ay u adeegsaneyso xaqiijinta amniga iyo deganaashiyaha deegaannada Galmudug.
  3. Dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowlad goboleedka Galmudug sida booliiska, Birmadka iyo Nabad-sugidda waxaa la farayaa in ay fuliyaan amarada xukuumadda Galmudug ee lagu dhaqan-gelinayo xeerkan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Xaaf waxaa uu taageeray xil ka qaadis lagu sameeyay ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Xaaladda Galmudug ayaa qasan kadib markii ay isku dhaceen Xaaf iyo mas’uuliyiin kale oo maamulka ah, waxaana hurinta lagu eedeeyay dowladda federaalka ah, eedeyntaas oo Villa Somalia aaney ka jawaabin.

Goobjoog News