U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabelle Oo B/weyne u Tagey La Tashi Dadweyne

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana xubnaha la socdey kamid ahaa xildhibaan C/laahi Goodax Barre.

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Hiiraan,  maamulka B/weyne iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa madaxweynaha Hirshabelle iyo wafdi uu hoggaaminayo kusoo dhoweeyey magaaladaasi.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosble oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay  in ulajeedka uu B/weyne u tagay iney tahay la tashi dadweyne, kala warqaadasho iyo kormeer ku aadan halka ay marayso shaqada maamulka cusub ee gobolka Hiiraan.

“Waxaan maanta u nimid magaalada Baladweyne oo maalmahanna sii joogi doonno la tashi dadweyne iyo in aan kala warqaadanno, xaalado badan baa jira in la wada tashadana waa muhiim” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Dhanka kale madaxweyne Cosoble ayaa sheegay in maalmaha soo aadan magaalada Baladweyne ku wajahan yahay wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating, si uu ugu kuurgalo xaaladda abaareed ee gobolka.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa magaalada Baladweyne tagaya markii Labaad tan iyo markii xilkaasi loo doortey.

Goobjoog News