U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Mar Kale Sheegay In La Furayo Dekadda Ceelmacaan Iyo Garoonka Cisaley

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabullaahi Cosoble oo maanta ka qeybgalay kulan ay lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka ee maamulkaasi ayaa sheegay in maamulkiisa uu furi doono dekadda Ceelmacaan ee Shabellaha Dhexe iyo garoonka diyaaradaha ee Cisaley.

Xildhibaan Cabdiweli Sheekh Cali, oo kamid ah mudnayaasha baarlamaanka Hirshabelle ayaa Goobjoog u sheegay in madaxweynahooda uu maanta soo bandhigay qorsheyaal badan oo dhanka horumarka ah.

Wuxuu tilmaamay Xildhibaanka in madaxweyne Cosoble sidoo kale uu ka hadlay qorshe howleedka horyaalla maamulkiisa, arrimaha ku aadan shirka London iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

“Kalfadhiga 2-aad ayuu ahaa, madaxweynaha ayaa nagala soo qeybgalay, wxuuna ka hadlay arrimo badan oo muhiim ah, waxaa kamid ahaa waxyaabaha uu madaxweynaha soo hadal qaaday qorshaha lagu dhisayo dekadda Ceelmacaan iyo garoonka cisaleey waana mid aan aad ugu riyaaqnay arrinkaasi, sidoo kale wuxuu ka hadlay shirka uu London uga qeybgali doono kaasi oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya” ayuu yiri Xildhibaanka.

Horey madaxweynaha Hirshabelle wuxuu u sheegay in dib loo howlgelin doono garoonka diyaaradaha Cisaley iyo dekadda Ceelmacaan.

Goobjoog News