U bood dhigaalka

Axmed Madoobe iyo Cabdiwali Gaas oo Garoowe Ku Kulansan, Kana Wadahadlaya Hiigsiga 2016-ka (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Garoonka magaalada Garoowe waxaa kusoo dhaweeyay wafdigan madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ku xigeenkiisa Injineer Cameey, iyo xubno ka mid ah wasiirada iyo baarlamaanka Puntland.

Intaasi ka dib aya Axmed Madoobe iyo Gaas waxa ay si wadajir ah saxaafadda kula hadleen Madaxtooyada Garoowe, iyadoo faah faahin laga bixiyay uljeedka safarka Madaxweynaha Jubbaland.

Ugu horeen Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Garoowe uu u tagay arimo ku aadan wadatashiyo uu la sameynayo madaxda Puntland, sidoo kalena ay ka wada hadli doonaan xiriirka Labada maamul iyo guud ahaan arimaha Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay Safarka Axmed Madoobe uu ku tagay Garoowe, waxaana uu sheegay in taasi ay muujinayso sida uu u wanaagsan yahay xiriirka Labada Maamul.

Gaas ayaa tilmaamay in madaxweynaha Jubbaland ay ka wada shiri doonaan arinta ku aadan geedi socodka nabadda iyo hiigsiga 2016.

Hoos ka arag sawirada

Madoobe9 Madoobe8 Madoobe7 Madoobe6 Madoobe5 Madoobe4 Madoobe3 Madoobe2 Madoobe1

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada