U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbaland oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Dowladda Federalka iyo DG

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  Xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo qeyb ka ahaayeen wasiirro ka socday dowlad goboleedyada dalka.

Wafdigaan uu hoggaaminayaay Guddoomiye  Maxamuud Macalim Cabdulle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubnaha ka ah JFS oo ka qeybgalaya shirka Madasha arimaha Gargaarka oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.

Masuuliyiintan kala duwan waxaa ay Madaxweynaha Jubbaland Warbixin ka siiyeen howlaha shaqo ee u qabsoomay inta ay joogeen Magaalada Kismaayo iyadoo dhawaanna Kismaayo laga daah furi doono Shirka Madasha arimaha Gargaarka oo barri furmi doona.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonno jihaynta Gargaarka iyo taakulada Dadka Soomaaliyeed ee la kulma Musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan Fatahaadaha iyo Abaaraha, kuwaas oo muddooyinkii dambe aad u saameeyay dadka iyo dadka Soomaaliyeed.

Goobjoog News