U bood dhigaalka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Oo Ka Warbixinaya Safarkiisa Imaaraadka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed  Sharif Xasan Sheekh Aden ayaa lagu wadaa in uu golihiisa wasiirrada uga warbixiyo safar uu ku tagay dalka Imaaraadka iyo kulamada uu la soo qaatay mas’uuliyiinta dalkaasi.

Ilo ku dhaw madaxtooyada Koonfur Galbeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegaya in Sharif Xasan uu saacadaha soo socda ku soo jeedo magaalada Muqdisho kadiba uu u gudbi-doono xarunta KMG ah ee maamulkaasi ee Baydhabo.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in madaxweyne Sharif uu ka warbixin doono safarkiisa Imaaraadka iyo heshiisyada uu la soo galay Abuu-Dhabi, golaha wasiirada ayaa la filayaa in uu heshiisyadaasi hordhigo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka mid noqday maamullada Soomaaliyeed ee taageeray Sacuudiga iyo Imaaraadka go’doominta ay ku hayaan dalka Qatar, go’aankaasi kadib waxaa Shariifka u safray Imaaraadka iyada oo la filayo in safarka uu la xiriiro go’aankiisa uu ka qaatay xiisadda Khaliijka.

Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo hadda fasax ku jiro ayaa la filayaa in ay fariistaan bartamaha October si ay uga hadlaan arrimaha maamulka, qaar ka tirsan Xildhibaannada waxaa ay sheegayaan in 8 bil aaney qaadan wax mushaar ah.

Goobjoog News