U bood dhigaalka

Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu Dhammaaday Awood Uma Laha Faragelinta Doorashooyinka

Sheeko:Dalka
Waxaan halkan si kooban ugu falanqaynayaa warqad ka soo baxday Villa Soomaaliya oo baraha bulshada lagu faafiyey.
1. Sida ku cad Qodobka 60aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah, muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka (labada aqal) waa afar sano oo ka billaabanaysa marka natiijada doorashada lagu dhawaaqo. Farqada 2aad ee isla qodobkaas ayaa waxa ay sheegaysaa in muddo xileedku ka billaaban karo marka xubin ka tirsan baarlamaanka dib loo doorto.
2. Hadda waxaa la doortay dhammaan xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah, iyo xubno ka tirsan Golaha Shacabka. Xubnaha Aqalka sare iyo kuwa Golaha Shacabka ee la doortay waxaa u billaabatay afar sano oo cusub. Hadda halka Gole oo qaanuunka ah oo dalka ka jira waa xubnaha Aqalka sare ee la soo doortay. Golaha Shacabka oo xubno ka mid ah, oo guddoomiyihii hore kamid yahay ,dib loo soo doortay ma isticmaali karaan magaca Baarlamaanka 10aad oo xilligiisii dhammaaday.
3. Qodobkaas Dastuuriga ah xeer Gole Shacab ama Baarlamaan wax loogama beddeli karo ee waxaa keliya oo lagu beddei karaa in isbeddel lagu sameeyo qodobbada dastuurka.
4. Sida ku cad Qodobka 91aad ee Dastuurka Federaalka Kumeel-gaarka ah muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuriyadda waa afar sano oo ka billaabanaysa maalinta xaafiiska loo dhaariyo. Muddo xileedkaas Dastuurku sheegay waxaa lagu kordhin karaa oo keli ah waa isbeddel lagu sameeyo Dastuurka si waafaqsan Cutubka 15aad ee Dastuurka. Xeer Baarlamaan ama Gole keli ah waxba kama baddali karo qodob dastuuri ah.
5. Madaxweynaha waa joogayaa xaafiiska inta laga baddalayo laakiin ma laha awood qaanuun oo uu tallaabooyin cusub ku qaado ama u qaato awoodo uuna lahayn markii uu ku jirey muddo xileedka dastuuriga ah.
6. Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Federaalka Kumeel-gaarka ah, Ra’iisul Wasaaraha ayaa haysta awoodda xilgaarsiinta ee Dastuuriga ah. Masuuliyadda shaqooyinka socday iyo kuwa muhiimka ah ee fulinta oo ay ku jirto doorashada dalka Golaha Wasiirrada oo uu Ra’iisul Wasaaraha hoggaamiyo ayaa masuul ka ah.
7. Madaxweynaha marna masuul kama ahayn doorashooyinka dalka marka la raaco Dastuurka, shaqadaasna waxaa iska leh, awalna lahaa Xukuumadda Xilgaarsiinta. Sheegashada Madaxweynaha in uu doorashadii wareejiyey wax sharciyad ah kuma dhisnayn oo awal ayuu si aan dastuurka waafaqsanayn faraha ugula jiray.
8. Heshiisyada doorashada la gaaray waxa ay ahaayeen heshiisyo siyaasadeed oo dalka looga badbaadinayey dagaallo sokeeye. Haddii wax laga baddalayana waxaa jooga xubnihii heshiisyadaas horay u galay ee madaxtooyada waddo qaanuun uguma bannaana in ay farageliso.
9. Sidaas daraadeed, Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday wax awood qaanuun ah uma laha in uu faragaliyo doorashooyinka ama shir iskugu yeero golayaal waqtigoodii dhammaaday qaarna dib loosoo doortay. Tallaabadaas haddii aan laga noqon ama la isku dayo in la hirgeliyo waxa ay dalka u horseedi kartaa dagaallo dhiig badani ku daataan iyo bur bur ku yimaada dowladnimada la isku kakabayey oo ay adkaan doonto in dab loo soo celiyo.
Maxaa xal ah?
Si dalkan jilicsan looga badbaadiyo in uu galo xaalad Khalkhal ammaan iyo mid siyaasadeed oo ay dhici karto in dalku ku kala burburo, waxaa muhiim ah in la joojiyo tallaabooyinka qar iska tuurka ah, lana tixgeliyo xaaladda dalku marayo. Dhowr tallaabo ayaa la qaadi karaa si dalka looga badbaadiyo dagaallo sokeeye iyo burbur.
1. Ra’iisul Wasaaraha iyo Maamul Goboleedyada oo iskugu yimaada shir deg deg ah oo lagu turxaan bixinayo habraacyada doorashooyinka cabashooyinka ka yimaadeen, isla markaasna lagu gaarayo go’aammo lagu deddejiyo doorashooyinka xubnaha Golaha Shacabka inta ka dhimman. Tallaabadaas waa tan ugu fiican oo dalka looga badbaadin karo khalalaase amni iyo mid siyaasadeed iyo dhiig sokeeye oo daata.
2. Xubnaha Aqalka Sare oo la doortay oo isku yimaada oo doortaan hoggaan Aqalka Sare, sidaasna ay ku abuuranto hay’ad dastuuri ah oo talooyinka dalka hagta. Aqalka sare waxa uu la shaqaynayaa Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta si loo dhamaystiro doorashooyinka inta dhimman waxayna noqonayaan meesha loo noqdo haddii caqabado yimaadaan.
3. Dalka Soomaaliya waa dal aad u jilicsan oo dowladda dhexe ayna ka talin meel ka baxsan Magaalada Muqdishu oo ay weliba awoodo kale canshuur ka qaataan. Waxaa muhiim ah in aan dalkaan loo horseedin dhiig daata iyo bur bur. Dalkaan xaalka uu ku jiro qofkii ku fakara awood ciidan ayaan isticmaalayaa waxa uu ku ciyaarayaa dab ay u badan tahay in uu ku gubto dalkana qabadsiiyo.
WQ/ Ahmed A. Kheyre