U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kismaayo Kaga Qeyb Galaya Kulamo

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay ka socdaan kulamo looga hadlayo xaaladaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka.

Kulamadani waxaa ka qeyb galaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii xalay ahaa ku hoyday magaalada Kismaayo.

Xasan Sheekh ayaa la kulmay xildhibaannada labada aqal ee Jubbaland kuwaasoo lagu doortay magaalada Kismaayo.

Wararka ay heleyso Goobjoog News waxay sheegayaan in madaxweynaha iyo xildhibaannada labada aqal ay ka wada hadlayaan arrimo la xidhiidha doorashooyinka Soomaaliya.

Xaaladda magaalada ayaa ah mid aad u cakiran waxaana amniga sugaya ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM, waxaana bandow ah maalintii labaad magaalada Kismaayo.

Xasan Maxamuud ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Kismaayo safar aan horey loo sii shaacin lamana oga inta ay qaadanayso joogitaankiisa Kismaayo.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada