U bood dhigaalka

Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho ku soo wajahan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin afarta maamul gobaleed ee kale ee dalka.

Saciid Deni, ayaa ka qayb galaya shirka wadatashiga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, kaas oo la filayo in uu Muqdisho ka furmo.

Shirkaan ayaa looga hadlaya arrimo ay kamid yihiin maaliyadda dalka iyo howlgallada ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalada dalka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed, ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo shalay ka soo dagay madaarka Aaden Cadde.

Goobjoog News