U bood dhigaalka

Madaxweynaha Somaliand Oo Xilal Cusub Magacaabay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto uu soo saaray xilal ugu magacaabay Shan Mas’uul.

Xubnahan ayaa loo kala magacaabay guddoomiye gobol, Bankiga Dhexe, wasaaradda qorsheynta iyo la taliye.

Wareegtada ayaa sidan u qorneyd:

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey,

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1. Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi Guddoomiyaha Baanka Dhexe
2. Axmed Xasan Cabdi Carwo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe
3. Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
4. Cabdirashiid Cabdillaahi Hande Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Salal
5. Cabdi Xuseen Cabdi Ibraahim La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada

Mawduucyada:Gobollada