U bood dhigaalka

Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in gurmad ay u baahan yihiin dalal ay ku jirto Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Volodymyr Zelenskyy madaxweynaha dalka Ukraine, ayaa sheegay in dalal ay Soomaaliya ku jirto ay wajahayaan xaalad bini’aadanimo oo aad u daran.

Zelenskyy ayaa soo hadal qaaday in dalalka Itoobiya, Koofurta Suudaan, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Kenya iyo Yemen, ay soo food saartay cuna yari.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in dhawaan uu markab siday Qamadi uu ku xirtay deked ku taalla Jabuti si wax looga qabto abaarta gobalka.

Waxa uuna balan qaaday in sanadka soo socda ee 2023-ka ay diri doonaan maraakiib raashiin ah si loogu gurmado dadka abaarta ay saameeysay.

“Waxaa naga go’an in aan garab istaagno oo aan caawino dadka dhiban, sanadka soo socda 2023-ka waxa aan gaarsiineynaa gar-gaarka illaa 60 Markab si looga hortago baahida cunno la’aan ee dunida ka taagan,” ayuu yiri Volodymyr Zelenskyy.

Markabka ku soo xirtay dekedda dalka Jabuti ayaa siday 25,000 Metric Tons oo qamadi ah.

Goobjoog News