U bood dhigaalka

Madaxweyne Cosoble: Hirshabelle Ayaa Dhiseysa Banaadir State

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo magaalada Nairobi kula hadlayey shacab Soomaaliyeed oo kasoo jeeda Hirshabelle ayaa sheegay in maamulkooda ay dhisi doonaan maamulka Banadir State.

Wuxuu sheegay Cosoble in bisha Ramada oo nagu soo dhow kadib ay shirka dhismaha Banadir State ku qaban doonaan degmada Balcad ee Shabellaha Dhexe.

Wuxuu tilmaamay in gobolka Banaadir uu yeelanayo maamul u gaar ah, islamarkaana dadka deggan Muqdisho ay dhisan doonaan maamulkooda.

“Dulmi ma wadno, mana rabno, gobolka Banaadir State waaye, Hirshabelle ayaa dhiseysa Banaadir State, waxaan idiin sheegayaa in gogosha lagu dhisayo dowlad goboleedka lagu qaban doono degmada Balcad, waxaa inoo ballan ah in markii Afka la furo Balcad iyo dhismaha Banaadir State” ayuu yiri madaxweyne Cosoble.

Ugu dambeyn madaxweynaha Hirshabelle ayaa ugu baaqay dadka kasoo jeeda deegaannada Hirshabelle in ay maalgashi ku sameystaan deegaannada maamulkaasi.

Goobjoog News